Dilal maanta ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

Kooxo hubeesan ayaa maanta degmada Waabari ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen labo nin oo la sheegay in ay katirsanaaeen Ciidanka Nabad sugida gaar ahaan kuwa dhar cadka.

Goobjoogaaal ayaa ku waramay in labo nin oo dhalinyaro ah lagu dilay Xaafada Ansaklooti ee degmada Waabari, waxaana dilkaasi fuliyay rag hubeesan oo biskoolado watay kuwaa oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dilka labadaasi nin iyagu ka dambeeyeen, waxa ayna Shabaab sheegeen raga ay dileen in ay ahaayeen Ciidamo dhar cad oo ka howgalayay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in raga ay dileen horey uga sii qaateen labo biskoolad ay wateen, waxaana War Al Shabaab kasoo baxay lagu sheegay ragii dilalkaasi geestay in si nabad galyo ah goobta uga baxsadeen.

Mid kamid ah raga Al Shabaab maanta dileen ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Woosh, waxaana ninkan la sheegay in Gudoomiye Laameed ahaa sidoo kale katirsanaa ciidanka Nabad sugida.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dilalka loo geestay labada nin ee la sheegay in ciidanka Nabad sugida katirsanaayeen, dilkan ayaana imaanaya xili Muqdisho sidoo kale shalay lagu dilay labo ruux oo mid kamid ah dowlada u shaqeenayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -