Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirka dib u dhiska dalka oo Muqdisho ka furmay & Khayre oo ka qeyb galay (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qayb galay shir laba maalin socanayo oo looga hadlayo dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska dalku uu aad muhiim ugu yahay dawladda Soomaaliya maadaama uu dalku kasoo kabanayo bur-burkii ka dhashay dawlad la’aanta, sidaa darteed ka qayb galayaasha kulanka laga doonayo in si aad ah ay uga doodaan hannaanka ugu habboon ee qorshaha dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka hawlaha guud,dib u dhiska iyo guryaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow, oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirkaan oo ah kii sagaalad oo looga hadlo dib-u-dhiska dalka uu soo gebageboobayo maalinta berri ah, lana filayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Wasiir Hoosow ayaa sheegay in shirkaan lagu lafa gurayo qaybgaha hor-tebinta leh ee dib-u-dhiska dalka iyada oo lagu jaangoynayo qorshaha horumarinta qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

DF oo ka digtay arrin ku soo wajahan dalka oo sii dheereyn karta abaaraha jira

Caydiid Ali

Masuul goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweynaha Israel oo ka baqay inuu booqdo dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---