Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Israel oo ka baqay inuu booqdo dalka..

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa Azerbaijan, sababo la xiriira walaacyo dhinaca amniga ah

Sida ay ku warrantay wakaalada wararka Sputnik. Go’aankan ayaa yimid xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan, iyadoo sidoo kale Israa’iil ay wajahayso cadaadisyo gudaha iyo dibadda ah iyo dagaalo dhinac walba kaga furan.

Waa tallaabo ay dad badan isha ku hayaan, iyadoo Azerbaijan iyo Israa’iil ay leeyihiin xiriir istiraatiiji ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Sirdoonka Israel iyo saraakiisha amniga ayaa kula taliyey Isaac Herzog inuusan booqasho ku tegin dalka Azerbaijan sababo la xiriira dhinaca amaanka.

Madaxda iyo dadka caadiga ah ee reer Israel ayaa wajahaya cabsi iyo argagax marka ay socdaalka ku marayaan dalalka caalamka sababo la xiriira cambaareynta ay kala kulmayaan xasuuqa iyo gumaadka ay ciidamada Israel ka wadaan Gaza

Related posts

Fahad Yaasiin oo xilka Wareejiyay iyo Ciidamo badan oo lasoo dhoobay Xarunta NISA

Cabdi Cade

Shir Wadatashi ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo furmay (Sawirro)

admin

Abuu Mansuur oo shaaciyay in Muqdisho aheyn sida Kabul iyo Dimishiq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---