Allbanaadir.com
NEWS

Afar qof oo loo xiray Dil wiil Soomaali ah loogu geestay gudaha Xabsi kuyaala London

Ciidamada booliiska dalka Britain ayaa afar qof ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah u xiray dil Wiil Soomaali ah maalmo kahor loogu geestay xabsi uu ku xirnaa oo kuyaala Magaalada London.

Khadar Saalax ayaa lagu dhax dilay xabsi ku yaalla Galbeedka Magaalada London. waxaana dilka wiilkan Soomaaliyeed ka dambeeyay dhoor dhalinyaro ah iyagoona dilkiisa u adeegsaday toorey.

Ciidamada booliiska ayaa falkan dilka ah u xiray afar qof oo labo kamid ah la sheegay in ay Soomaali yihiin, waxaana dhalinyarada Soomaalieed ee dilka loo heesto magacyadooda lagu sheegay Axmed Kheyre iyo Khaliif Dhibaseey .

Wali waxaa socda baaritaano ku aadan dilka ka dhax dhacay xabsi kuyaala magaalada London, waxaana dilkan la sheegay in uu ka dhashay rabshado ka dhax dhacay gudaha xabsiga.

Dalka Britain waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal ay isku geestaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool, waxaana dhalinyarada qaarkood noqdeen kuwa gaangiistaro ah oo isticmaala muqaadaraatka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Caafimaadka DF oo ka hadashay kiisaskii ugu dambeeyey ee COVID-19

Caydiid Ali

Dowlad dalkeeda ka mamnuucaysa Israa’iiliyiinta iyo Sababta ka dambeysa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo gaaray Daru-salaam, kana qeyb galaya..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---