Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo askar badan looga dilay Dagaal  ka dhacay Waqooyiga Siiriya

Ciidamada Milatariga Turiga ee howlgalka kawada Waqooyiga Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin ayaa shalay dagaal xoogan la galay dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Jabhada Kurdiyiinta .

Dagaalka shalay dhax maray Milatariga Turkiga iyo Jabhada Kurdiyiinta ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac soo gaaray, waxaana dagaalkaasi uu ka dhacay goobo kala duwan.

War kasoo baxay Milatariga Turkiga ayaa lagu sheegay in dagaalkii shalay looga dilay 8-askari halka tiro kalana looga dhaawacay, waxa ayna dhankooda sheegeen in dagaalyahano badan ka dileen Kooxda Kurdiyiinta.

Tirada ciidamada Milatariga Turkiga looga dilay guud ahaan dagaalka ay kula jiraan jabhada Kurdiyiinta ee ku sugan Waqooyiga Siiriya ayaa gaaraya 15-askar, waxaana askarta qaarkood lagu dilay qaraxyo ismiidaamin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil maanta Muqdisho ku dilay awoogiis hooyadiis dhalay 

Cabdi Cade

Wasiir ku baaqay in Nukliyeer lagu dhufto Qasa iyo Madaxda Yahuuda qaar oo diiday

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo lagala Wareegay degaano in muddo ah gacantooda ku jiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---