Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada Caafimaadka DF oo ka hadashay kiisaskii ugu dambeeyey ee COVID-19

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahisay wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 ee gudaha dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalka laga helay 66 kiisas cusub oo Coronavirus ah.

Meelaha laga helay ayaa kala ah Somaliland:46, Puntland: 12, Banaadir: 5, Koonfur galbeed:2, Jubbaland: 1.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka bogsadeen 27 ruux taasoo tirada guud ee bogsashada ka dhigeysa 559, halka dhimashadu ay gaartay 87 qof oo maanta ay laba ruux ay geeriyoodeen.

Wadarta guud ee tirada Covid-19 laga helay guud ahaan dalka ayaa gaartay 2,579 (laba kun shan boqol todobaatan iyo sagaal), waxayna u muuqataa in cudurka uu haatan ku socdo marxalad gaabis ah oo xawaare laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe iyo wafdi uu horkacayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa sababay guul-darrada Siciid Deni ee doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ?

Cabdi Cade

Baarlamaanka oo maanta la filayo in ay aqbalaan Codsi uu Ra’isul Wasaaraha u gudbinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---