Macalimiin ka yimid Wadanka Sudan oo lagu soo dhoweeyey Jaamacadda Benaadir (Daawo Sawirro)

Xaflad soo dhoweyn ah ayaa shalay gelinkii dambe Magaaladan Muqdisho loogu sameeyey Macalimiin ka timid Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (International University oo Africa) ee dalka Sudan, kuwaasoo marti u ah Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha waaweyn ee Somalia ka jira.

Macalimiintan ayaa muddo bil ah duruus taxane ah ka bixin doona qeybta waxbarashada sare ee Jaamacadda Banaadir (Master) gaar ahaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo arintani ay ka dambeysay heshiis iskaashi oo labo sano ka hor hor ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa.

Dr. Mohamed Xaaji oo ah xiriiriyaha Barnaamijka waxbarashada sare ee labada Jaamacadood ayaa sheegay in Macalimiintan ay muddo bil ah duruus taxane ah siin doonaan dufcadii labaad ee iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka kuwaasoo tiradoodu gaareyso 52 arday, isagoo xusay in cidii ka faaideysaneysa ay weli isqoristu socoto.

“Heshiiska labada Jaamacadood ayaa suurageliyey in dufcadii ugu horeysay ee dhameysatay kuliyada Qaanuunka & shareecada ee Jaamacadda Banaadir ay sanadkii hore dhameystaan taqasuska waxbarashada heerka labaad (Master) iyadoo lala kaashanayo Jaamacadda International University of Africa, waxaana nasiib wanaag ah iney horteyda fadhiyaan dufcadii labaad ee sanadkan ka faaideysanaya taqaqsuskan qiimaha badan” ayuu intaa ku daray Dr. Mohamed Xaaji oo u mahad celiyey masuuliyiinta labada Jaamacadood oo uu xusay iney dedaal badan u galeen arintan.

Macalimiinta ka yimid dalka Sudan oo lagu kala magacaabo Dr. Gasamalah Abdi Gafaar, Dr. Abdalla Bashiir iyo Magdi Mahguub Al-Zabayr oo iyana ka hadlay xafladan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho iyagoo ka mahad celiyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey.

Sidoo kale, Macalimiintan ayaa sheegay in mudada ay dalka joogaan duruus taxane ah ka bixin doonaan taqasuska Qaanuunka iyo shareecada ee ay iskaashanayaan labada Jaamacadood, ayna ku dedaali doonaan intii karaankood ah iney aqoontooda uga faaiideyaan ardayda sanadkan iska diiwaan gelisay taqasuskan.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka ee Jaamacada Banaadir ahna hormuudka kuliyadda shareecada iyo Qaanuunka Dr. C/raxmaan Xasan Cumar ayaa isna ku dheeraaday dedaalka Jaamacada Banaadir u gashay sidii dalka loo keeni lahaa taqasuskan oo uu sheegay markii hore dalka dibediisa loo aadi jiray, qarash iyo dhibaato badana laga mudan jiray balse taas ay hadda dhamaatay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa isna u mahad celiyey macalimiintii ka socday Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Banaadir sanadkii labaad.

“Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi muddo badan soo jiray, mana ahan markii ugu horeysay ee ay macalimiin noo soo diraan, waxaana rajeynaynaa mustaqbalka inuu sii xoogeysto xiriirka labada Jaamacadood’ ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa intaa ku daray in ardayda sanadkan iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iyo kuwa horey u dhameystayba looga fadhiyo mustaqbalka dhow iney wax ka bedelaan dhibaatooyinka ka jira garsoorka iyo cadaalada marka ay ka howlgalaan Maxkamadaha dalka, taasoo uu xusay iney tahay ujeedada ugu weyn ee taqasuskan loo keenay dalka.

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ah Senator guddoomiye ka ah guddiga Waxbarashada iyo Caafimaadka u qaabilsan aqalka sare, isla markaana ah Madaxa Qeybta taqasuska ee Jaamacadda Banaadir ayaa isna xafladaas ka sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Jaamacadda Banaadir u xaqiijisay hirgelinta taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda International University of Africa ee dalka Sudan.

“Walaalaheen macalimiinta Sudan nooga yimid ee maanta nala fadhida ayaan mahad celin ballaaran u jeedinayaa kuwaasoo runtii ku soo dhiiraday iney yimaadaan dal aysan weligood iman oo dagaalo iyo burbur ay ka jireen muddo badan, si ay aqoontooda uga faa’iideeyaan walaalahood Soomaaliyeed” ayuu yiri Prof. Dufle oo dhinaca kale kula dardaarmay dufcada labaad ee sanadkan iska diiwaan gelisay qeybta taqasuska shareecada & Qaanuunka iney ka faaiideystaan Macalimiintan qaaliga ah ee iyaga awgood kumanaan meyl uga soo safray dhulkoodii.

Ardayad Anisa Salaad oo ku hadleysay magaca dufcada labaad ee sanadkan isku diiwaan geliyey barashada taqasuska shareecada & Qaanuunka ayaa u mahad celisay macaliminta reer Sudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa iyo Jaamacada Banaadir oo suuragelisay in iyagoo dalkooda jooga ay helaan taqasusyadan, waxayna balan-qaadeen iney ka faaiideysan doonaan.

Labadada Jaamacadood ee Banaadir & International University of Africa ee dalka Sudan ayaa bishii Apriil ee sanadii 2016  Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis qorayey in ardayda dhameysatay kuliyada Qaanuunka & shareecada ee Jaamacadda Banaadir iyo Jaamacadaha kale ee dalka ay helaan taqasusyo isugu jira waxbarashada heerka labaad (Master) iyo Waxbarashada heerka 3aad (Phd)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -