Madaxweyne Trump oo cafis u fidiyay qof aan ahayn kii laga codsaday

Madaxweyne Donald Trump ayaa cafis u fidiyay nin lagu magacaabo Dinesh D’Souza oo ah qoraa, islamarkaasna afkaarihiisa ay Murano badan dhaliyaan.

Dinesh ayaa sanadkii 2014-kii lagu xukumay shan sano oo xarig ah arrimo la xiriira ku xadgudub shuruucda la ku saabsan lacagaha lagu bixiyo ololaha doorashada.

Balse cafiskan ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad ay Trump ku booqatay gabadha caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian, taas oo Trump ka codsatay in uu cafis u fidiyo ayeeyadeed oo hadda ka hor lagu xukumay dambi la xiriira daroogada Cocaine-ka loo yaqaano.

Gabadhan oo ka mid ah dumarka wax jila, islamarkaasna nolosha qoyskeeda xitaa laga sameeyay filim taxane ah oo ku saabsan qaabka xad ka baxa ah ee ay u damaashaadaan maadaamaa ay lacag haystaan ayaa la dhaleeceeyay in ay tagto Aqalka Cad, madaxweynaha isku soo ag sawirto.

Dad badan ayaa filayay in uu ka aqbalo codsiga, markiina fuliyo, balse taas badalkeeda waxa uu cafis u fidiyay Denish.

Trump ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay Denish maadaamaa uu sheegay in uu qabtay shaqooyin guud qaab ciqaab ahaan, isaga oo luuqada Ingiriiska dad kala duwan baray. Trump ayaa sheegay in uu taleefoon kula hadlay ninkan.

Waa qofkii shanaad oo uu u fidiyo cafis buuxa, dhammaantoodna waa dad afkaraahooda iyo ficiladooda ay muran dhaliyaan.

Mr Denish D’Souza ayaa aad loogu xusuustaa in uu si joogto ah u weerari jiray madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -