Ukraine oo dalab culus u gudbisay Iran ka dib qirashadii dayuuradii la soo riday

Madaxweynaha dalka Ukrain Volodymyr Zelensky oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in Dawladda iiraan ay qiratay inay iyadu ka danbaysay diyaaraddii rakaabka siday ee laga lahaa dalka Ukrain taasoo lagu soo riday gudaha wadanka iiraan.

Zelensky ayaa tilmaamay in shacabka iyo dawladda Ukrain aysan ku qanci doonin qirashada dawladda Iiraan lagana doonayo inay magdhow rasmi ah ka bixiso diyaaraddaas.

Volodymyr Zelensky wuxuu hadalkiisa ku daray in arrintaasi ay ahayd gardarro cad oo qarsoodi lahayn, maadaama dawladda Iiraan ay ka warqabtay in diyaaraddaasi ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Tehraan isla markaana ay kusii jeeday waddanka Ukraine, waxyar kadib markii ay garoonka kacdayna ay si bareer ah u soo rideen ciidamada Iiraan.

Iran ayaa qiratay in ciidamadeeda milatarigu ay sameeyeen qalad xooggan markii ay todobaadkan duleedka magaalada Tehran ay ku soo rideen diyaarad ah nooca loo yaqaano Jet, taasi oo ay ku dhinteen 176 qof oo diyaarada saarnaa.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri, “aad baan uga xumahay qaladkan argagaxa leh.”

Rouhani ayaa intaa ku daray in waaxda barista gudaha ee ciidamada dalkaasi ay xaqiijiyeen in gantaal loo riday qalad dhacay uu sababay dhicista diyaaradda laga lahaa dalka Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -