Raashin iyo dawooyin xiligoodu dhacay oo lagu qabtay dekeda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Maamulka gobolka Banaadir Waaxda Faya-dhowrka u qaabilsan ayaa dekedda weyn ee Xamar ayaa maanta soo bandhigtay raashin iyo daawooyin uu waqtigoodu dhamaaday oo laga soo dejiyey dekeda, taasoo ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka si loo gubo.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Benaadir, Marwo Basmo Caamir Shakeeti oo kormeer ku tagtay goobaha laga helay agabka dhacay ayaa sheegtay in dowladda hoose oo kaashanaysa hay’adaha ku shaqada leh iyo laamaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo magaalada soo gelinaysa alaabooyin dhacay.

“Waxaan kormeer ku tagnay Dekedda magaalada Muqdisho, si aan u baarno cabashooyin maalmahan halkaas naga soo gaarayay, baaritaan kadib, waxaan halkaas ka helnay hal konteynar oo daawo dhacday ah kuna taariikhaysan, 2014-2016, Sidoo kale, waxaan bakhaarka no.3 ku soo aragnay jawaano bur dhacay ku jiro kaasoo biyo ay soo gaareen, cid walba oo arrimahaas ku lug leh oo doonaysa in magaalada la galiyo badeeco dhacdayna tallaabo ayaan ka qaadaynaa”. ayay tiri Marwo Basmo Caamir.

Guddoomiye Basmo Caamir ayaa ganacsatada Soomaaliyeed fartay in eysan dib dambe u keenin dalka wax aysan naftooda u quurin, iyadoo xustay in laga baxay waqtigii fawdada uu dalku ku jiray, lana joogo xiligii isla xisaabtanka iyo dabagalka wax yaabaha dalka soo galaya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -