Diyaarado ciidamo badan sida oo saakay ka degan Baladweyne iyo cabsi laga qabo in ay ….

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay afar diyaaradood oo magaalada Muqdisho ka qaaday ciidamo hubeesan ka degeen garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa Haramcad, waxaana ciidankan garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle.

Wali lama oga ujeedka ciidamada Haramcad saakay loo geeyay magaalada Baladweyne oo mudooyinkii dambe ka taagnaa kacdoon shacabka uga soo horjeedaan maamulka cusub ee Hirshabelle uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

Ciidamadan la geeyay magaalada Baladweyne ayaana laga cabsi qabaa in xiisad hor leh ka abuuraan magaalada Baladweyne , waxaana duleedka magaaladaasi ku sugan ciidamo hubeesan oo kasoo horjeeda Hirshabelle uu hogaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud.

Go’aanka ciidamadan saakay lagu geeyay magaalada Baladweyne ayaa imaanaya xili shalay magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.

Shacabka magaalada Baladweyne iyo Abuukar Xuud ayaa si weyn uga soo horjeestay in magaalada Baladweyne cagta soo saaro Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo horey u doonayay in lagu caleemo saaro magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -