Axmed Madoobe booqday Taliska qaybta labaad ee howlgalka AMISOM (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqday Taliska qaybta labaad ee howlgalka AMISOM.

Madaxweynaha oo wali ku jira abaabulka howlgalka ka dhanka ah al-shabaab ayaa maanta booqday Taliskan oo ku yaala deegaanka Dhoobley.

Madaxweynaha waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Taliye ku xigeenka Taliska qaybta labaad Cornel Kuto iyo Sarakiisha kale Taliskan.

Waxaa uu halkaas kula kulmay Sarakiisha Ciidamada isagoo kala hadlay dardar galinta howlgalka iyo sidii doorka AMISOM uu u noqon lahaa mid muuqda si howlgalka uu u noqdo mid Guulaysta dhamaan dhinacyaduna ay ka qayb qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -