Haween loo heesto in Al Shabaab yihiin oo Maxkamad lasoo taagay

Maxkamad kutaala Degaanka Milimani ee dalka Kenya ayaa lasoo taagay labo haween ah oo loo heesto in ay taageeraan dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarada ka geesta gudaha Kenya.

Haweenkan ayaa laga xiray deegaan katirsan magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari, waxaana la sheegay in haweenkan lagu qabtay hub guriga u yaalay sida uu sheegay dacwad oogaha Maxkamada.

Xaliimo Sheekh Cabdullahi iyo Nuuriyo Aadan Jimcaale ayaa iska beeniyay in Al Shabaab wax xiriir ah la leeyihiin, waxaa wararka soo baxaya sheegayaan in hubka lagu qabtay gurigooda uu leeyahay ninkooda oo lagu magacaabo Ibrahin Geedi.

Qareenka difaacaya haweenkan ayaa la sheegay in wax dambi ah aysan laheyn haweenkan lasoo xiray, waxa uuna xusay in suurto gal tahay in hubkaan uu leeyahay ninkooda wax aqbaar ahna aysan ka heyn.

Ugu Dambeyn labadan haween ayaa lagu sii daayay damaanad, waxaana la filayaa in mar kale Maxkmada kasoo muuqdaan maalinta isniinta ah si halkeeda uga sii socoto Maxkamadeyntooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -