Daawo Sawirada: Koobka Maamul Goboleedyada Somalia iyo G/Banaadir oo Kampla lagu soo gabo gabeeyey.

Koobka Ciyaaraha kubadda Cagta ee loo qabtay Kooxaha kala matalayey Maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu soo gabogabeeyey Garoonka International Fustal Courts of Uganda oo ku yaalo Magaalada Kampala gaar ahaan Xaafadda ay Soomaalidu u badantahay ee Kesinyi.

Koobkaan oo ahaa Ciyaaro is arag ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay kooxaha kala ah.

Jubaland.
Galmudug.
Puntland.
Koonfur Galbeed.
Hirshabeelle.
Gobollka Banaadir.

Kooxaha ayaa waxa ay soo bandhigeen Ciyaar wanaag soo jiidatay Daawadayaasha iyo Taageerayaasha soo buuxiyey Garoonka,waxaana ugu danbeyn Shalay wada Ciyaaray kooxaha Jubaland iyo Hirshabeelle oo Natiijada Ciyaartaas ku soo dhamaatay 3:5 halka kooxda Gobolka Banaadir ay qaadatay 3 dhibcood iyo 3 Gool ka dib markii ay Ciyaraha isaga hareen oo ay ka baxeen kooxda ku ciyaareysay Magaca Puntland,waxaana ugu danbeyn Garoonka soo galay Galmudug iyo Koonfurgalbeed oo Natiijada Ciyaartaas ku dhamaatay 3:3

Maadaama koobkaan ahaa is arag Guud ayaa waxaa ugu dhibco badnaaday kooxda Galmudug waxa ayna sidaa ku qaaday koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Magaalada Kampala gaar ahaan Xaafadda Kesinyi.

Xaflad kooban oo Ciyaarta ka dib la qabtay ayaa Bilado iyo Abaalmarino la gudoonsiiyey Ciyaartoyda iyo Weriyaasha tebiyey Ciyaarta inta ay socotay.

Qaban qaabada iyo Abaabulka koobkaan waxaa soo agaasimay Maamulka Somali Community Fustal League waxaana Ciyaarahaan lagu qabtay Garoonka IFCU oo ah Garoon ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Ujeedka loo qabtay koobkaan ayaa ahaa is dhexgalka Bulshada iyo Xoojinta Nabadda,waxaana si weyn u soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Ugaandha oo ku tilmaamay Guul u soo hoyotay Madaama si hufan ay ku soo dhamadeen Ciyaartaan.

Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ugaandha oo furitaanka Ciyaarta iyo Xiritaankeeda Goobjoog ka ahaa ayaa Guul ku tilmaamay Ciyaarahaan,waxa ayna sheegeen in Maamulka Garoonka IFCU ay qaateen kaalintii wacyigalinta iyo Is dhexgalka Bulshada.

W/Q Cabdiraxmaan Diini

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -