Xiliga la bilaabayo wejiga 1aad ee Mashaariicda Qatar ka fulineyso Somalia oo la shaaciyey

Wasiirka Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Maalmaha soo socda la bilaabayo fulinta wajiga Koowaad ee Mashaariicda Horumarineed ee dowlada Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in mashaariicdan Dowladda Qatar Maalmaha soo socdo ay bilaabeyso lagu qiimeeyay lacag dhan 200 milyan oo doolarka Mareykanka ah, isagoo kaga mahad celiyay Qatar kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo shalay la hadlay Warbaahinta Qatar ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhererkeedu yahay 90 KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30 KM, dib u dhiska qaar ka mid ah Xarumaha dowlada iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Heshiiskan ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar Magaalada Muqdisho waxay ku kala saxiixdeen 28- bishii November ee sanadkan, iyadoo la rajeynayo in Hesiiskan uu qeyb ka qaato qorshaha qaran ee horumarinta dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -