Allbanaadir.com
NEWS

NISA oo qabatay Shabakad sameysa dollar been abuur ah & Xildhibaan ku lug yeeshay

Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaciyay in ciidankooda ay Garoonka Dayuuradaha Aadan Cabdulle Muqdisho ku qabteen shabakad ku shaqeysata lacag dhiqidda iyo Doollarka la been abuuray.

War ay caawa soo saartay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegtay in Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, ay gacanta ku dhigeen shabakadan oo ku shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollarka been abuurka ah.

NISA ayaa intaas ku dartay in la hayo laba qof oo ka mida shabakadaas, laguna daba jiro qaar kale.

“Waxaa howlaha shabakadan u sahlay, sida gudbinta garoonka Mudane ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka” ayaa lagu yiri qoraal ay NISA soo saartay oo aan lagu xusin magaca xildhibaankan.

NISA ayaa intaas ku dartay in Galka baarista ee shabakadan iyo kiiskooda loo gudbinayo Hay’adaha Sharciga ee ku shaqada lehm si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor iyo Xaaf oo isku arkay xalay Munaasabad ka dhacday Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaano cusub oo ka tirsan Mudug

Caydiid Ali

DEG DEG: Xamse oo Magacaabay RW ku-xigeen kale & Wasiiro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---