Saciid Ciise: “Ma waxaan u dabaaldegnaa Waqooyi iyo Koonfur kala tegey”

Caalamka maalmaha xoriyadda waxaa xasuusta shacabka oo dareen farxad leh ku damaashaada ee ma ahan madax fashilan maalmo ay iska leeyihiin oo dhalashadeeda ay u dabaaldegayaan sida xukunkii milateriga uu ugu dabaaldegayey 21-ka Oktobar oo ahayd maalinta ay dalka xoog ku qabsadeen.

Shacabku ma haystaan dhaxal ay u damaashaadaan, maxaa yeelay marka dal uu dowladnimo sheegto waxey madaxbanaanida qaranimo shacabka u tahay balanqaad waajib ku ah dowladda iney shacabka dhowrto xuquuqdiisa iyo xoriyadiisa, sugto amnigooda, cadaaladna ugu xaqsoorto, una keento adeegyo ay dadku awoodaan oo ah daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho. Haddii aan intaasba lahayn maxey tahay nuxurka lagu xasuusan karo gobonimada mar haddii shacabku ku nool yahay nolol gunimo.

Ma waxaan u dabaaldegna waqooyi iyo koofur kala tegey

Ma waxaaan u dabaaldegnaa amnidarada ay xagjiriintu dalka intiisa badan cabsi ku xukumayaan

Ma waxaan u dabaaldegnaa cadaalad darrada ay xukumayaan garsoorkeenu!

Ma waxaan u dabaaldegnaa xuquuq iyo xoriyad la’aanta ay madaxda dowladu ku hayso shacabkeeda

Ma waxaan u dabaaldegnaa in boqortooyada Qatar 65% soo iibsaneyso xildhibaanada baarlamaanka

Ma waxaan u dabaaldegnaa in Itoobiya ay wadamada Khaliijka Carabta ay dalaal ciidan ugu noqto xeebaha iyo dekedaha Soomaaliya

Ma waxaan u dabaaldegnaa xukun ay horseed u yihiin Macangeg, maangaab, laangaab, iyo aqoongaab

Ma waxaan u dabaaldegna qabsoomida doorasho ay hawlwadeen ka yihiin kuwii laynayey waxgaradka madaxda Soomaaliyeed.

Aniga waxaan ii muuqata in dhibaatada taagan iyo mida soo socota in loo dabaaldegayo

Aniga waxaan arkaa in loo dabaaldegayo  jabka Soomaalida ku soo socota oo ay soo wadaan deriska iyo daris xigeenka

Aniga waxaan dareemayaa in loo dabaaldegayo dhiiga jufo walba dhexdeeda ay isaga daadineyso kuraasta doorashada.

Dabaaldegu waa hadba sida aad u qaadatid waayo daryanka madaafiicdu marna waa kuux damaashadeed marna waa riin colaadeed.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa 1984 waxaa duqeeyey diyaaradaha xabashida, markaas ka dib ayaa haweeney magaalada caan ka ahayd oo la yiraahdo Isniino oo necbeyd Kacaanka ayaa alalaase iyo damaashaad ku dabaaldegtey, markii xaalkeeda la ogaadey ayaa la soo xiray, waxeyna tiri daryanka duqeynta lagu tuuray Kacaanka waa ii damaashaad ee adinka maxey idinla tahay madaafiicda aad ku xasuuqeysaan shacabka!

W/Q: Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -