Al Shabaab oo saakay weerar isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday saldhig ciidan oo…

Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab saakay weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Sida aan wararka ku heleyno weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saldhiga lagu weeraray, waxaana qaraxa kadib Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga ciidanka ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa oo u dhaxeeyay labada dhinac in uu halkaasi ka dhacay, waxaana war kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay in ay la wareegeen saldhiga ay weerarka ku qaadeen iyo guud ahaan deegaanka.

Dhinaca kale sargaal u hadlay ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab saakay kusoo qaadeen deegaanka Baar Sanguuni, waxa uuna sheegay in goobtaasi uu ka dhacay dagaal xoogan.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka Al Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni, waxaana wali adag in la helo xog ku aadan khasaaraha dagaalkaasi ku kala gaaray labada dhinac.

Al Shabaab ayaa sidan oo kale sanadkii hore u weeray xeradan ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni, waxaana weerarkii hore ka dhashay khasaaro badan oo ciidamada Jubbaland kasoo gaaray weerarkaasi.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkaaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -