RW hore ee Somalia oo dalab xasaasi ah u diray Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay furaan wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Dhagax uusan amni sugi karin, balse amniga lagu sugi karo ilaalinta sharciga, iyo dedaalka Ciidamada amaanka, wuxuuna tilmaamay wadooyinka xiran in shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan mid ciqaab ah oo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqooda.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladdii hore ay saacado badan xiran jirtay wadooyinka marka ay marayaan Madaxda, balse wuxuu tilmaamay in Dowladdan aysan sidaas aheyn oo waqti kooban keliya ay xirto wadada, iyadoo u daneyneysa shacabka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay wadooyinka waqtiyada badan la xirayo ee la leeyahay Madaxda ayaa mareysa inay tahay curyaamin lagu sameynayo shaqada shacabka, taas bedelkeeda wuxuu Mamulka Gobolka Banaadir ka dalbaday in ay wax ka bedelaan nidaamkaas.

Qaar ka mid ah jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa xiran muddo sanado ah ka dib markii lagu gooyey dhagxaan waaweyn iyo biro sababo dhinaca amaanka ah awgood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -