Nin 60 jir ah oo lagu dilay agagaarka Suuqa Bakaaraha & faahfaahino ka soo baxaya

Agagaarka qeybta Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa kooxo ku hubeysnaa bastoolado waxay ku dileen nin da’ ah.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ninka la dilay  da’adiisa lagu  qiyaasay 60 sano jiro, waxaana uu dilkan ka dhacay inta u dhexeysa Suuqa Khudaarta & Isgoyska Shiikh Cali Suufi ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya  ayaa la sheegay inay gaareen goobta uu dilka dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la dilay lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Ganey uuna ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -