Dowlada caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen oo dagaal looga qabsaday magaalada Cadan

Kooxda gooni u goosadka koonfurta dalka Yemen oo ay taageerto dowladda Imaaraatka Carabta ayaa la wareegay gacan ku heynta inta badan magaalada dekedda ee Cadan oo xarun u aheyd dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.

Dagaalyahanadan ayaa la wareegay goobo ku hareeresan aqalka madaxtooyada, inkastoo aysan gudaha u gelin dhismaha.

Kooxdan ayaa dooneysa in dowladda madaxweyne Abdrabbuh Mansour ay wadahadal la furto, waxayna dalbanayaan in madaxweynaha Yemen uu kala diro golaha wasiirada oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq.

Madaxweynaha Yemen ayaa ku maqnaa mudooyinkan dalka Sacuudiga oo si weyn u taageerto dowladdiisa.

Waqooyiga dalka Yemen ayaa sidoo kale waxaa gacanta ku hayay Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya dowladda Iran.

Ku dhowaad 50 qof ayaa ku dhintay dagaalo culus oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Cadan kuwaasoo dhexmarayey ciidamada dowlada iyo kooxaha ka horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -