Mushahar la’aan soo wajahday Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir

Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya dhaqaale xumo iyo mushahar la’aan soo wajahday, waxaana arintan ka dhashay saameyn kala duwan.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha dowlada hoose ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey in bishii hore ee Disembar dhamaadkeedii aysan wax mushahar ah qaadanin, iyadoo bishii xigtay ee Janaayo ay mareyso 17 maanta.

“Ma garaneyno illaa hadda sababta Maamulka gobolka Banaadir uu mushaharkeena inoo siin waayey, dhibaato badan ayaa na heysata, ma heysano wax aan biilasha qoysaskeena ku bixino” ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeenada Maamulka gobolka Banaadir oo ka gaabsaday magaciisa.

Lama oga illaa hadda sababta loo bixin waayey mushaharka shaqaalaha gobolka Banaadir bishan, maamulkana kama hadlin balse Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagihii la siin lahaa shaqaalaha loo weeciyey in xukuumada looga furdaamiyo culeysyo siyaasadeed oo ka heystay meelo kala duwan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bil kasta dhaqaalaha ka soo xerooda dekeda Muqdisho looga qoondeeyey %25, waxaana intaas u dheer canshuuro si dadban iyo si toos ahba uga soo xerooda degmooyinka iyo suuqyada.

Guddiga Maaliyada baarlamanka Somalia ayaa dhowaan shaaciyey warbixin ku saabsan musuqmaasuq xoogan oo ka dhex jira heyadaha dowlada qaarkood, waxaana meelaha ay farta ku fiiqeen ka mid ah maamulka gobolka Banaadir oo ay sheegeen in akoonkiisa bankiga dhexe ay maqan yihiin malaayiin dolar oo aan la ogeyn halka la mariyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

- Advertisement -