Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddi dabagalaya labo arimood (Sawirro)

Shirka khamiislaha ah ee Gollaha xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir gudoominayay Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta looga hadlay xaalada guud ee dalka sida maanka waxbarashada ,caafimaadka iyo qorshayaasha horyaala xukuumadda.

Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in isbedel guud lagu sameynayo ciidamada Puntland isla markaana ay dowladu diyaarisay qorshe balaaran oo lagu horumarinayo ciidamada dowlada Puntland si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaanba leh muunad dowladnimo.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Dabagalka iyo Tirakoobka Hantida Dawladda’ kuwaas oo loogu talagalay inay gollaha hor keenaan warbixin ku aadan Hantida Dowladda.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Kiisaskii ugu yaraa cudurka COVID-19 oo dalka laga helay 24 saac gudahood

Caydiid Ali

Dowladda oo shaacisay in aysan aqoonsaneyn ururka FSU Digniin adagna u dirtay

Cabdi Cade

Shir looga hadlay qodob muhiim ah oo ka dhacay Madaxtooyada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---