Caro badan oo ka dhalatay Muuqaal ay iska soo duubeen askar katirsan Booliiska Kenya

Baraha bulshada dalka Kenya waxaa si weyn u qabsaday dadkuna u hadal hayaan muuqaal ay iska soo duubeen askar dhawaan ku baastay imtixaan loona qaatay in ay kamid noqdaan booliiska Kenya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran.

Muuqaalkan oo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa laga arkayay askartan oo ku hadaaqeysa in ay yihiin kuwa xun xun ayna dhawaan qalin jabin doonaan una soo bixi doonaan banaanka.

“Way dhammaatay, waa sidaas .waan dhammeystirnay, way noo dhammaatay howsha. Wakiil ayaan ka nahay, waa maxay waxaan? Koofiyad Cas!, “Hadda waxaan usoo baxeynaa bannaanka [waan qalinjabineynaa],waxaana nahay kuwa xun xun” Pa! Pa! guutada 26-aad! Waxaan nahay kuwa xun xun.” ayey ku sheegeen askartan muuqaalka ay soo duubeen.

Shacabka dalka Kenya ayaana si weyn uga carooday muuqaalkan ay iska soo duubeen ciidamada, waxa ayna shacabka qaarkood sheegeen in ciidankan kusii goodinayaan in falal xun geesanayaan marka ay banaanka usoo baxaan.

Bayaan kasoo baxay taliska booliska qaran ee dalka Kenya ayaa lagu cambaareeyay ficilka ay sameeyeen ciidamada, taliska ayaana sheegay in dib u eegis gudaha ah lagu sameynayo arrintan, tallaabooyinka ku haboonna laga qaadi doono.

Ciidamada dalka Kenya gaar ahaan kuwa booliiska ayaa si xun mararka qaar ula dhaqma shacabka , waxaana arintan imaaneysaa xili maalmo kahor askari katirsan booliiska Kenya dilay lix ruux oo ku jirto xaaskiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -