Gaas oo xilka ka qaaday Taliyaasha Booliiska iyo Daraawishta Puntland kuwa cusubna magacaabay

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka looga qaaday taliyaasha ciidamada booliiska iyo Daraawiishta Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa xilka ka qaaday Taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) , waxa uuna taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale xilka looga qaaday taliyihii ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdullaahi Shire Dool , waxaana Taliyaha booliiska loo magacaabay Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Muuse .

Xil ka qaadista Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa timid kadib markii uu Taliyaha ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Puntland.

Xil ka qaadista Madaxweynaha Puntland ku sameeyay Taliyaasha ciidanka booliiska iyo daraawiishta ayaa kusoo aadeysa xili shalay Madaxweyne Gaas shaqada ka fariisiyay saraakiil ciidan oo taageero u muujiyay dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -