(Akhriso) Guddoomiyaha G/Banaadir oo Wareegtadii ugu horeysay ka soo saaray dhismaha barxadii Ceelgaab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta warqad uu soo saaray si rasmia ugu joojiyey dhismaha ka socda dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel gaabta ee degmada Xamar jajab.

Eng. Yarisow ayaa hay’adaha ay khusayso ku wargeliyey joojinta hawlaha dhismaha ee socda waxaana uu tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in hantida qaranka si gaar ah looga faa’iideysto.

Maamulka degmada Xamar jajab ayaa sidoo kale la faray inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismaha ka socday, waxana hay’adaha ammaanka lagu wargeliyey inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, si loo ilaaliyo hantida danta guud.

Guddoomiye Eng. Yariisoow ayaa tilmaamay in tallaabadani ka tarjumeyso siyaasadiisa ku aaddan ilaalinta hantida danta guud, lagana daba tegi doono dhammaan dhulkii danta guud ee haatan ku jira gacanta shakhsiyaad ama looga faa’iidaysanayo dano gaar ah.

“Dhammaan Dhulka danta guud ee ka maqan gacanta dawladda waan ku raadjoogi doonaa waana ka daba-tegaynaa. Waxaa naga go’an inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Talaabadan lagu joojiyey dhismaha barxadii Ceelgaab ayaa noqoneysa tii ugu horeysay uu qaado Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo xilka si rasmi ah ula wareegay shalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -