Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa maanta qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ka dhacay xaafada Gubta ee degmada Dayniile, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa lala eegtay Gudoomiye laameed katirsan Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxaana masuulkan qaraxa lala eegtay la sheegay in uu lugeenayay halka uu qaraxu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Cali Saalax oo ahaa Gudoomiye Laameed katirsan Degmada Dayniile, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay nin kale oo la socday Gudoomiye Laameed.

Ciidamada amaanka ayaa howlgalo aan natiijo kasoo bixin ka sameeyay goobta uu qaraxy ka dhacay, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee mudooyinkan ka dhacda Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in dalka ka dhacayaan Afar isbadal oo waa weyn

Cabdi Cade

Maxay ka dhigan tahay in shacabku isdifaaco marka la waayo dowlad difaacda?

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Khayre oo Daah-furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Loo Dhanyahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---