Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in dalka ka dhacayaan Afar isbadal oo waa weyn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, si uu dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid ahna loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka heerka farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareeyeyaasha Hey’adaha ee ku saabsan aqoon-is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan ciribtirka Khawaarijta, deyn cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalkii u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo heshiis laga gaaray

Caydiid Ali

Waa Maxay Qorshaha Wax Ka-beddelka Shaqada AMISOM ee laga heshiiyay ?

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo Qaraar kasoo saaray Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid (Akhriso)

admin
Taboola Ads ---