Wafti ka socda Bangiga Aduunka oo Muqdisho yimid iyo Wasiir Beyle oo la kulmay (Daawo Sawirro)

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray wafti ka socday Bangiga Aduunka, waxaana waftigan soo dhaweeyay lana kulmay Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ka qaatay Waftigan ka socday Bangiga Aduunka, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimo dhorw ah ay kamid tahay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Mr Beyle ayaa sheegay in ay ka wada hadleen madaxda Bangiga Aduunka arrimo badan oo ay ka mid yihiin guulaha laga gaaray hanaanka maamulka Maaliyadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale, Waxaan ka wada hadalnay arimo badan oo ay ka midyihiin guulaha aan ka gaarnay hanaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka. Bangiga Aduunka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Dowlada Soomaaliya ayaa horumaro badan ka gaartay dhinaca dhaqaalaha, waxaana dowlada Soomaaliya ay kasbaneysaa wadamada Dhaqaalaha bixiya iyo sidoo kale Bangiga aduunka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -