Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Tv-yada Kenya oo hawada laga saaray iyo Odinga oo la dhaarinayo

Dowlada Kenya ayaa hawada ka saartay qaar kamid ah Telefishinada iyo idaacadaha dalkaasi ka howlgala kadib markii ay baahiyeen dhaarinta Hogaamiyaha Mucaaradka iyo kuxigeenkiisa  oo maanta is caleemo saaraya

Telefishinada Citizen, NTV iyo kuwa kale ayaa hawada laga saaray kadib markii ay baahiyeen Munaasabad lagu dhaarinayo Hogaamiyaha Mucaaradka oo ka socota Fagaaraha Uhurru Park.

Dowlada Kenya ayaa horey ugu amartay Warbaahinta dalkaasi in aysan baahi karin Munaasabada dhaarinta Hogaamiyaha NASA Raila Odinga oo maanta ka socota magaalada Nairobi.

Warbaahintan hawada laga saaray ayaa ka biyo diiday in ay u hogaansamaan amarka dowlada, waxa ayna sheegeen in ay dhax dhaxaad ka yihiin Siyaasada ayna baahinayaan waxii warar ah ee bulshada u baahan yihiin.

Magaalada Nairobi waxaa hada ka socoto Munaasabad balaaran ay Madaxweyne iyo kuxigeen isugu caleemo saarayaan Mucaaradka Kenya, waxaana munaasabada ka qeyb galaya xubno badan oo kamid ah taageerayaasha Mucaaradka Kenya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha Isra’il oo xaalad adag wajahaya iyo Xamaas oo sabab u ah

Cabdi Cade

 Imaaradka iyo Sacuudiga oo ku lug yeeshay Faragalinta Doorashadii Mareykanka

Cabdi Cade

Kulan ka dhacay Wasaarada Waxbarashada & Wasiir Goodax oo weli lagu dhegan yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---