Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Dowlada Caalamka oo la sheegay in ay Basaasto Xogta Midowga Afrika

Dowlada Shiinaha oo kamid ah Dowladaha Caalamka ugu awooda badan ayaa lagu eedeeyay in ay basaasto xarunta Midowga Afrika ee kuyaala magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wargeyska Le Monde ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in dowlada Shiinaha ay basaasto xarunta Midowga Afrika , dhismaha Xaruntan oo ka kooban 20 dabaq ayaa waxaa Midowga Afrika qaab hadiyad ah ugu dhistay dowlada Shiinah.

Dowlada Shiinaha ayaa dhismaha xaruntan waxaa uga baxay Labo Milyan oo Dollar, waxaana dhismaha la dhameeyay sanadkii 2012-kii, waxaana dhismahan Wargeysku sheegay in shiinaha ku xirteen qalab ay ku ogaanayaan siraha Midowga Afrika.

Wargeyska Le Monde ayaa sheegay in shaqaalo kamid ah xarunta Midowga Afrika ay ogaadeen in maclumaad sir ah xarunta lagala baxay loona wareejiyay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ee midowga Afrika oo Warkan Wargeysku qoray ka hadlay ayaa ku tilmaamay waxbo kama jiraan la dhoo dhoobay, waxa uuna meesha ka saaray in Shiinuhu basaaso Xarunta Midowga Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Yariisow oo tartan Isboorti ka furay degmada ugu halista badan Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Musharax Si cad u sheegay in aysan xiiso u qabin la kulanka Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh Safar uu ka tagi lahaa Lodon oo la joojiyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---