Kenya oo Madaxweyne kale loo dhaarinayo iyo xiisad ka taagan Magaalada Nairobi

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa shaaciyey in beri oo Talaado ah loo dhaarin doono xilka Madaxtinimada dalkaas, iyadoo Xiisad arintaas ka dhalatay ay ka taagan tahay Magaalada Nairobi.

Isbaheysiga mucaaradka Kenya ayaa sheegay in xafladda dhaarinta ay beri ka dhacayso beerta xorriyadda ee Uhuru Park, halkaasoo la filayo in lagu dhaariyo Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musyoka.

Mucaaradka Kenya ayaa sheegay inay ku guuleysteen doorashadii bishii Agoosto ee sanadkii hore ka dhacday Kenya, taasoo Maxkamadda ugu sareysa dalkaas ay baabi’isay, waxayna sidoo kale qaadaceen ka qeyb galka doorashadii ku celiska aheyd ee bishii Oktoobar ee isla sannadkii hore ka dhacday Kenya, iyagoo ku andacooday inaysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadeen guddiga doorashada.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka hadlay qorshaha ay damacsanyihiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay qiyaano qaran, ayna horseedi karto dil toogasho ah.

Ciidanka Booliska Kenya ayaa mamnuucay xafladda dhaarinta Raila Odinga, iyagoo isku gedaamay fagaaraha Uhuru Park oo caawa askar badan ay buux dhaafiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -