Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay Sharciga…

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay Hindise Sharciyeedka wax ka badalka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Xildhibaanada golaha shacabka  ayaa dood kadib  ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka, waxaana waxkabadalka sharcigan ogolaaday 163 xildhibaan halka ay diideen 13-Xildhibaan.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sharcigan Xildhibaanada meel mariyeen, waxa uuna cadeeyay in dooda sharcigan halkaasi ku egtahay.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada golaha shacabka meel marinta wax ka badalka lagu sameeyay sharciga Hanti Dhowraha, waxa uuna balan qaaday in sharcigan cusub la dhaqan galin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad Diyaaradeed oo joojisay Dhammaan Duulimaadyadii ay sameyn jirtay iyo Cilad…

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo sheegay in Abiy Axmed yahay nin Jahwareersan oo dulmi badan ka shaqeeyay

Cabdi Cade

Xiisad ka taagan Garawe iyo Ciidamo diidan Damaca Deni uu magaalada isku fidiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---