Allbanaadir.com
NEWS

Shirkad Diyaaradeed oo joojisay Dhammaan Duulimaadyadii ay sameyn jirtay iyo Cilad…

Mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha dalka Mareykanka ayaa shaacisay in si KMG ah u joojisay dhammaan duulimaadyadii ay sameyn jirtay, kaddib markii ay soo baxeen cillad dhanka nidaamka teknoolajiga ah.

Shirkadda diyaaradaha Maraykanka ee United Airlines ayaa xaqiijisay in ay joojiyeen duulimaadyadii ay sameyn jireen, waxa ayna shirkadda sheegtay in xal loo raadinayo ciladan dhinaca tiknoolajiyada ah ee soo baxday.

War kasoo baxay maamulka sare ee shirkada United Airlines ayaa lagu shaaciyay in ay joojiyeen duulimaadyadii ay sameyn jireen, waxa ayna shirkadda raaligelin u dirtay macaamiishooda inta hakad ku jiraan.

Shirkadda ayaa sheegtay in diyaaradaha hawada ku jira ay safarkooda sii wadan doonaan, balse la joojiyay diyaaradaha kale aan bixin inta laga xalinayo ciladan dhanka nidaamka teknoolajiga ah ee lagu arkay diyaaradaha shirkadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray shaacinta liiska Xildhibanada Labada Aqal

admin

Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo la fasaxay iyo Guddiga Doorashada oo ka hadlay

Cabdi Cade

Barakac xoogan oo ka socda qeybo ka mid ah magaalada Belad-weyne (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---