Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad ka taagan Garawe iyo Ciidamo diidan Damaca Deni uu magaalada isku fidiyay

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi saakay ay ka jirto xiisad , waxaana qeybo kamid ah magaalada lagu arkayaa ciidamo hubeesan.

Ciidamada hubeesan ee isku fidiyay qeybo kamid ah magaalada Garawe ayaa waxaa wata sargaal lagu magacaabo Jimcaale, sargaalkan iyo ciidankiisa ayaa kasoo horjeeda in baarlamaanka Puntland wax ka bedelaan oo furaan dastuurka Puntland u yaalay.

Dadka shacabka ah ee degan agagaarka xarunta baarlamaanka maamulka Puntland iyo xaafado kale ayaa bilaabay in ay halkaasi isaga barakacaan, waxa ayna dadku ka cabsi qabaan in gacan ka hadal magaalada ka dhaco.

Ciidamada uu wato sargaalkan kasoo horjeeda damaca madaxweyne Deni ayaana isku fidiyay xaafado katirsan magaalada Garawe , gaar ahaan jidka sodonka iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim ah, waxa ayna ciidamada mararka qaar ridayaan rasaas.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey iyana uga soo horjeestay in la furo dastuurka maamulka Puntland, madaxweune Deni ayaana doonaya in baarlamaanka furaan dastuurka Puntland si wax ka bedel loogu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Nin ka qeyb galay 238 doorasho oon weligii hal mar aan guuleysan markalana tartamaya !

Cabdi Cade

Xildhibaanow Cunsuriyadda iyo kala Sareynsiinta Ummadda Soomaaliyeed adinkaa Masuul ah

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kulan Garawe uga socda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---