Maxaa ka jira in weerar lagu dilay Taliyihii ciidanka Milateriga aagga degmada Buur hakaba?

Dagaal xooggan ayaa galabta ka dhacay degaano u dhexeeya degmada Buur hakaba iyo Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii kolonyo ay wateen ciidamada Milateriga ay wadada u galeen xoogag taabacsan Al-shabaab.

Ciidamada dowlada ayaa ka baxay degmada Buur Hakaba iyagoo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo.

Dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray, waxaana soo baxay warar sheegaya in dagaalkaas lagu dilay askar ka tirsan dowlada oo uu ku jiray Taliyihii ciidamada Milateriga degmada Buur hakaba Col. C/xmaan Cismaan Abroone.

Sidoo kale warar ay Baraha Internetka qaarkood ku qoreen Al-Shabaab ayaa waxay ku sheegeen in dagaalkii Galabta ay ku dileen taliye Abroone.

Hase ahaatee taliye ku xigeenka Ciidanka milateriga aagga degmada Buurhakaba Aadan Isxaaq Cali ayaa beeniyey in taliyaha uu ku dhintay dagaalkaas, wuxuuna wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

Waxaa uu intaas ku daray in dagaalka uu ku geeriyoday sarkaal kale oo uusan magaciisa sheegin, isagoo tilmaamay in taliyaha uu bad qabo, aysana jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya nolosha iyo geerida Taliye Abroone marka laga yimaado sheegashada labada dhinac.

Sidoo kale, dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan lagu dilay dagaalyaahano ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aa tiradooda la xaqiijin.

Meydadka iyo dhaawacyada askarta dowlada ayaa caawa laa geeyey magaalada Baydhabo sida ay goor saxaafada u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -