Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni, Axmed Madoobe iyo xubnaha Mucaaradka oo kulan ku yeelanaya Nairobi

Sida ay allbanaadir online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah waxaa todobaadka soo socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan ku yeelanaya Madaxweynaha mucaaradka DF iyo Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Xogaha la helay waxay sheegayaan in kulanka looga hadli doono Arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee muranku ka taagan yahay iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku sugan Magaalada Nairobi oo todobaad ka hor uu tegay, halka Madaxweynaha Puntland la filayo inuu dhawaan tago halkaas.

Kulanka waxaa qeyb ka noqon doono Xubnaha guddoonka Musharixiinta Madaxweynaha, kuwaasoo isku diyaarinaya iney gaaraan magaalada Nairobi, wuxuuna kulanka halkaas ka dhacaya ku soo beegmayaa xili DF ay xiriirka u jartay dowlada Kenya.

Dhinacyadan ku kulmaya Nairobi ayaa wata shuruudo iyo qodobo ay doonayaan iney fuliso DF ka hor inta aan la isku raacin iney bilaabato doorashada, kuwaasoo ay ka mid yihiin wax ka bedelka guddiyada doorashada iyo in ciidamada DF laga soo saaro gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Ingiriiska oo hub culus siinaya Somaliland iyo halista ay leedahay oo laga digay

Cabdi Cade

Dowlada Masar oo aqbashay dalab muhiim ah oo kaga yimid dhigeeda Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo Shuruudo ku xirtay bixinta Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---