Axmed Madoobe oo balan-qaad adag u sameeyey ardayda degmada Afmadow (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday qaar kamid ah goobaha waxbarashada ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose isagoo u kuur galaya tayada waxbarashada iyo sida ay da’yartu u qaadanayaan Casharada kala duwan isagoo kala qayb galay ardayda oo safka subaxnimo taagan.

Madaxweynaha ayaa qaar kamid ah goobaha Waxbarasho ee uu booqday kula hadlay ardayda isagoo ku dhiiri galiyay in ay waxbarashada ku dadaalan oo ay wakhtigooda u huraan inta ay yar yaryihiin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay haystaan fursad qaali ah oo qaar badan aysan helin loona baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan si ay hormar u sameeyaan mustaqbalka isagoo intaas ku daray in ay yihiin Ubax wadanka usoo kacaya oo ah mustaqbalka Hogaamiyayaasha iyo howlwadeenada dalkan uu sugayo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Degmada Afmadow laga hirgalin doono Jaamacad si ardayda dugsiyada sare ka baxa aysan meelo fog u aadin tayada waxbarashada Sarana kor loo qaadi doono isagoo sheegay in dhamaan baahiyaha jira la daboolaya si gaar ah Manhajka Qaranka oo qaybo aan wali dalka oo dhan la keenina ay ku dadaalayaan sidii Afmadow iyo deeganada kale ee Jubbaland loo gayn lahaa.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in mushaaradka Macalimiinta kor loo qaadi doono iyadoo ay qayb ka tahay qorshaha hormarinta adeegyada Bulshada ee Sanadkan 2019ka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ardayda ka baxaysa sanadkan dugsiga dhexe gudoonsiiyay shahaadadii ugu horaysay oo dugis hoose dhexe ah oo ay soo saarto Wasaarada Waxbarashada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -