Maraykanka & Turkiga oo heshiis ka gaaraya arrin ay muddo dheer isku khilaafsanayeen

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in heshiis ku saabsan dhowridda dagaal yahannada Kurdiyiinta ee ku sugan Suuriya lala gaaro Turkiga, kaddib marka uu Mareykanka isaga baxo halkaasi.

Wuxuu ka hadlayay isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta isagoo sidoo kale qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga.

Xoogagga Mareykanka ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa ka barbar dagaallamayay maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyagoo ka dhan ah kooxda Daacish.

Turkiga, ayaa si kastaba, u arka kooxda (YPG) inay yihiin argagixiso wuxuuna wacad ku maray inuu cagta marin doono.

Pompeo ayaa booqasho ku maraya Bariga Dhexe, kaddib markii uu madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay bishii hore in ciidammadiisa uu kala baxayo Suuriya.

Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay magaalada Abu Dhabi, ayuu Pompeo sheegay in Mareykanku uu garwaaqsan yahay xuquuqda dadka Turkiga iyo xaqa uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu u leeyahay inuu dalkiisa ka difaaco argagixisada.

Pompeo ayaa sheegay inuu la hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, isagoo intaas ku daray: “Weli faahfaahin badan ma hayo, balse waxaan ku rajo weynahay in natijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -