Wasiir Axmed Ciise Cawad oo olole cusub ka bilaabay Magaalada Addis ababa (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ahmed Isse Cawad ayaa Magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ka bilaabay olole cusub oo ku saabsan sidiiloogu codeyn lahaa dedaalka Somalia ugu jirto in la siiyo xilka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Ahmed Isse Cawad ayaa la kulmay dhigiisa dalalka Ethiopia, Kenya, Sudan, Jabuuti, Koonfurta Suudaan iyo Uganda, isagoo kala hadlay sidii ay u aqbali lahaayeen uguna codeyn lahaayeen Wasiirkii hore ee arrimaha dibaddaĀ  Dr. Abdusalam Hadliye Omer oo ah oo u taagan qabashada xilka Xoghayaha Guud eeĀ  Urur Goboleedka IGAD.

Cawad iyo Wasiirada uu kula kulmay Addis Ababa ayaa halkaasi uga qeyb galaya shir madaxeedka 32-aad ee ee Midowga Afrika.

Soomaaliya oo xubin fir fircoon ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa dedaal xooggan ugu jirta qabashada xilka Xoghayaha Guud ee Ururkaas oo u sharaxan yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Soomaaliya Dr. C/salaan Hadliye Omar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -