Miino la sheegay in lagu aasi rabay Magaalada Boosaaso oo la fashiliyey (Sawirro)

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa fashiliyey xalay miino la doonayey in lagu aaso qeybo ka mid ah magaaladaas.

Raggii qaraxa watay ayaa baxsaday ka dib israsaaseyn dhexmartay iyaga iyo ciidamada amaanka, waxayna goobta uga tageen qaraxii ay aasayeen oo si amaanka ah goobta looga qaaday.

Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska ee Gobalka Bari iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalkaas Xusseen Cali ayaa siyaabo iskhilaafsan uga hadlay qaraxan ay fashiliyeen Ciidamada PSF oo kaashanaya laamaha amaanka ee Gobalka Bari.

Taliye ku xigeenka Booliska Gobalka Bari Cabdikaafi Maxamed oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Boosaaso Qaraxan loogu aasay, waxaana uu tilmaamay israsaasayn dhexmartay ilaaladiisa iyo kooxda Qaraxa dhigaysay, sida uu ku xusay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Balse Taliska Qaybta Booliska gobolka Bari ayaa isna sheegay war kaas ka duwan oo ah in Qaraxan lagu aasay Bartamaha Magaalada, gaar ahaan goob inta badan dadweynaha isugu yimaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -