Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay magaalada Rusterburg (Magacyada iyo Sawiro)

Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay goob ganacsi oo kutaala deegaanka Mugaasi oo katirsan magaalada Resturbg ee gobolka Waqooyi bari dalka Koonfur Afrika waxa ay ku dileen labo muwaadin oo Soomaali ah.

Sida aan wararka ku helnay burcada hubeesan ayaa xalay dukaankooda ku weeraray muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa ayna halkaasi ku dileen labo wiil oo Soomaali ah halka mid kalana ku dhaawaceen.

Wariye Ceyduruus Cabdi Xasan oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa noo sheegay in burcada hubeesan ay hal goob kuwada dileen labo muwaadin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Ceydaruus Mahamed Abuukar iyo Abdullaahi Mahamuud.

Booliiska magaalada Rusterburg ayaa wada baaritaano ay ku sameenayana dilka muwaadiniintan Soomaaliyeed loo geestay, mana jir ilaanhada cid loo soo qabtay dilka labadan dhalinyaro xalay loogu geestay .

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday kawaan lagu laayo dhalinta Soomaaliyeed, waxaana sanad kasta dalkaasi lagu dilay dad badan oo Soomaali ah oo dalkaasdi u raadsaday nolol dhaanta tan dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo arin Xasaasi ah oo kusoo korortay Doorashada kala hadlay Maxamed Cirro

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo War ka soo saartay ismari-waaga ka taagan doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Wafdigii Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhoweeyey Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---