Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar oo Digniin soo saartay (Akhriso)

Safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar ayaa soo saartay qoraal ay bulshada Soomaaliyeed uga digeyso shirkad sheegtay in dad Soomaaliyeed ka shaqaaleesiineyso dalka Qadar.

Qoraalka kasoo baxay Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar ayaa si gaar ah loogu ogeysiiyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Qadar iyo dadka ku dhaqan Muqdisho in aysan ku kadsoomin Ogeysiis been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada.

Waxa ay safaarada sheegtay in shirkad la sheegay in fadhigeedu yahay Muqdisho soo saartay Ogeysiis ay bulshada Soomaaliyeed ku ogeysiineyso in ay heeso fiisooyin shaqo oo dalka Qadar ah laguna qaadanayo shaqooyinkaasi mushaar badan.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar ayaa ku wargalisay laamaha amaanka Soomaaliya in ay ka hortagaan Ogeysiiskan been abuurka ah ee la doonayo in dadka Soomaaliyeed looga qaatao lacago.

Halkan ka AKhriso Qoraalka kasoo baxay Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -