RW ku-xigeenka Somalia oo ka qeyb galay shir caalami ah oo ka furmay dalka Jordan (Sawirro)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta dalka Jordan kaga qayb galay shir madaxeedka wadamada Carabta oo looga hadlay is-bedelka cimillada adduunka iyo degaanka.

Shirkan oo looga dooday hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta degaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa kasoo  qayb gelay hey’adaha caalamka ee ku shaqada leh deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay ka midka yihiin fatahaadda iyo abaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -