Allbanaadir.com
NEWS

Nin Dhalinyaro ah oo lagu dilay Baladweyne iyo Ninkii dilay oo la qabtay

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay Xaafada Buundoweyn ee magaaladaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Xasan Cabdulle Maxamed.

Dilkan Ninkan dhalinyarada ahaa dhawaana ka qalin jabiyay Jaamacad kutaala magaalada Baladweyne waxaa geestay askari la sheegay in uu katirsanaa ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Askariga dilka geestay ayaa isku dayaya in uu baxsado hasa ahaatee howlgalo ay magaalada Baladweyne ka sameeyeen ciidamo katirsan dowlada ayey kusoo qabteen askariga gacan ku dhiiglaha ah.

Ehelada Marxuunka la dilay ayaa dalbaday in cadaalada la horgeeyo askariga wiilkooda dilay, waxaana wali la ogeyn sababta ka dambeysa dilka askarigan u geestay Xasan Cabdulle oo kamid ahaa Dhalinyarada Baladweyne.

Ciidamada dowlada ee ku sugan qaar kamid ah gobolada dalka ayaa mararka qaar hubkii loogu tala galay in ay shacabka ku difaacaan waxa ay dil iyo dhibaatooyin kalaba ugu geestaan dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada aqal oo lagu kordhiyey lix xubnood oo metelaya..

Caydiid Ali

Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al Shabaab gacanta ku hayaan

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo arrin soo korortay kala hadlay guddiga farsamada shirka Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---