Ciidamo nooc cusub ah oo dowlada Somalia loogu tababaray dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Ciidamo Boolis nooc cusub ah oo loogu talo galay ka hortaga rabshadaha ayaa markii ugu horeysay loo tababaray dowlada Somalia.

Tirada Ciidamadan oo gaaraya 270 askari ayaa ah kuwo si gaar ah u tababaran ayaa ku soo dhammeystay dalka Jabuuti tababar in muddo ah soconayey.

Waxyaabaha la baray waxaa ka mida la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga dibad baxyada rabshadaha wata iyo howlgallada deg-dega ah.

Ku-simaha Taliyaha Booliska Jen. Mukhtaar Xasan Afrax oo ay wehliyeen saraakiisha Ciidamada Jabuuti ayaa ciidamadan tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti.

Jen. Mukhtaar Xasan Afrax ayaa sheegay in Ciidamadan ka tababar fiican yihiin Ciidamadii hore ee tababarrada lagu siinjiray dalka Jabuuti, iyagoo ah noqonaya kuwo gaar ah oo ka hortaga banaanbaxyada rabshadaha wata iyo weerarrada argagixisada.

Ciidaman ayaa noqonaya  dufcaddii 8aad Ciidamada Booliska Soomaaliya ee lagu tababarro dalka Jabuuti, waxayna dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho oo ay ka howlgeli doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -