Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan kamid Noqonaya Aqalka Hoose oo maanta la dooranayo

Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle in lagu doorto Xildhibaan kamid noqonaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga Xildhibaan ee maanta Jowhar lagu dooranayo ayaa waxaa horey u baneeyay Taliyihii hore ee Ciidanka Nabad sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Waxaa ku tartamaya Kursigan Xildhibaan oo ah mid Beesha Xawaadle leedahay lix Musharax ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cosoble iyo Maxamed Sanbaloolshe oo horey kursigan u baneeyay.

Halka doorashada ka dhaceyso waxaa ku sugan xubno kjamid ah Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan , waxaa sidoo kale la filayaa in goobtaasi tagaan Madax katirsan Hirshabelle.

Doorashadan oo ah mid aad u adag ayaa la saadaalinayaa in midkood kusoo bixi doono Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble iyo Taliyihii hore NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Doorashadan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo TV ka daawaday Ciyaartii Galmudug iyo Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaad ka taqaan Xeer Ilaaliyaha cusub ee Qaranka? (Akhriso Taariikh nololeedkiisa)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo kulan miro-dhal ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Q/Midoobey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---