Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo dalka ka dhoofay, balan-qaad muhiim ahna sameeyey (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar iyo wafdigii ballaarnaa oo uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka ee dalkaas oo muddo labo maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta dib ugu laabtay dalkooda.

Hulusi Akar iyo wafdigiisa ayaa intii ay Muqdisho ku sugnaayeen waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada hadallo labo dhinacle ah la yeesheen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wada hadalladaas ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiga ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaaji Xasan Shiino oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Maxay tahay warqada sirta ah ee Raisul Wasare Netanyahu u diray Madaxda Qatar?

Caydiid Ali

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Xukuno dil ah iyo Xabsi ku riday Lix Dhalinyaro ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---