Kim John un oo tareen gaashaaman u raacay dalka Vietnam (Daawo Sawirro)

Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay in hogaamiye Kim Jong-un uu u kicitimay shirka uu Vietnam kula yeelanayo maalmaha soo socda Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump.

Warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa shaacisay qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono.

Socdaalkiisa waxaa la shaaciyay saacado uun ka dib markii tareen gaashaaman oo midabkiisu yahay cagaar iyo huruud uu ka gudbay xadka dalkaasi la leeyahay Shiinaha.

Safarka dalka Vietnam ayaa la filaya in uu qaato 60 saacadood. Waxaa la aaminsan yahay in safarka ay ku weheliyaan walaashiis Kim Yo Jong, iyo mid kamid dadkii wadahadalada ugu qeybgalayay Jeneraal Kim Yong Chol.

dalka Vietnam oo ay maamulaan shuuciyiin balse dhaqaalaheedu uu hanti-goosadku yahay ayaa haatan waxaa loo arkaa inay saaxiib la tahay Washington iyo Pyongyang, waxaana haatan loo arkaa inuu tahay goob dhexdhexaad ah oo buuxin karta dhammaan shuruudaha ay doonayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -