Allbanaadir.com
NEWS

Dabley hubeysan oo caawa degmada Wanle-Weyn ku toogatay Maxamed Jacfar Axmed

Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidnimadii ku toogtay degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose Kaaliyihii Maxkamada degmadaas sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Maxamed Jacfar Axmed ayaa waxaa rasaas ku furay kooxo bastoolado ku hubeysan xili uu ku sugnaa agagaarka hoygiisa oo ku yaalla gudaha degmada Wanle-weyn.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey dilka caawa loo geystay Kaaliyihii Maxkamada degmadaas Maxamed Jacfar Axmed.

Kooxaha dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana goobta uu dilkan ka dhacay howlgalo kooban ka sameeyey ciidamada amaanka dowlada oo halkaas gaaray.

Maxamed Jacfar Axmed ayaa ahaa nin si weyn looga garanayo gudaha Wanle-weyn, waxaana dilkiisa caawa si weyn looga hadal hayaa degmadaas oo dilalka noocan ah aan looga baran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muwaadiniin Ruush ah oo ku dhintay duqeyn Maraykanku ka fuliyey Siiriya

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo Meel mariyay Sharci Muhiim u ah Dowlada (Daawo Sawirada)

admin

Dowlada Mareykanka oo war kasoo saartay Colaada Muqdisho kuna hanjabtay xayiraad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---